Isbedelka cimilada iyo xog la'aanta bulshadeena

Dunida waxa ka socda dhaqdhaqyo laga sameynaayo cimilada isbadalaysa balse bulshadeena kama warqabto kamana qayb qaadato isbadalada ka socda caalamka taas oo ay sababteedu tahay ku baraarugsan la'aanta arrimaha khuseeya cimilada.
deegankeena oo ay badbadina waxa ay inoo sahlaysa ka hortaga isbadalada ka socda caalamka kuwaas oo dhibatooyin waa weyn keenaya.
Dhibaatada ugu badan ee deegakenu la kulma wa xaalufinta dhirta taas oo loo adeegsado sifooyin kala duwan sida qoryaysi,dhuxulaysi , iwm sidoo kalena ah sharci daro dhibataynaysana deeganka.
Isla taas iyana waxa khatar ku jira kaymaha caalamka oo iyana mudooyinki u dambeeya isbedelka cimiladu keentay in ay gubtaan kaymaha ugu wawayna dunida kuwaas oo ay ku noolayen Kumanaan noole ah waxtarna ulahaa bulshada.
Tani waxa ay sababaysa in aduunka sii kululado taas oo samaynaysa in barafka ku yaala cidhifyada aduunku uu dhalaalo iskuna badalo biyo kuwaas oo ugu dambaynta ku biiraya badaha waxa ay horseedaysa in dhulal badan oo dad degenaayeen isku badalan biyo fadhiisin waxa  ayna sababaysa in carro guur ku dhaco dhulka taas oo luminaysa caradii nafaqada lahayd ee dhulkasi lahaa. 

Gubashada kaymanhani kaliya khasaare uma aha deeganka balse waxa sidoo kale khasare weyni soo gaadhaya dhamaan xayawankii ku noola kaymahas kuwaas oo qaarbadani dhinteen halka kuwo kalena ka guurayaan kana yaacayaan dhulkoodi taas oo keenaysa in ay cidhibtirman duurjoogti uu gaarka u lahaa wadankasi taas oo ahayd waxyaabaha uu wadamada kale kaga qanisanyahay. 

Labadi sano we u dambeeya waxa dhib wayn soo gaadhay kaymo kala duwan sida kaymaha gobalka California ee wadanka Maraykanka dabkii ka kacay kaymahas sanadkii 2018 wuxuu sababay ugu yaraan 80 dhawac,
Iyo 79 dhimasho ah halka tirada guryaha uu dumiyay lagu qiyasay 22751 oo guri.
Sidoo kale sanadii 2019 waxa Dab ka kacay kaymaha wadanka indonésia halkas oo uu khatar geliyay in ku dhow 10 million oo caruur ah sida ay sheegtay hayada qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF waxa sido kale in kabadan 320000 hectare(120005square miles) aya gubatay taas oo Khasaraha guud ee uu geystay dabkaasi lagu qiyasay 1.6m.
Isla taasna sanadii 2019 kaymaha ku yaal wadankasi Brazil ee AMAZON ayaa uu ka kacay dab khasarihiisa lagu qiyasay inuu gaadhayo 40000. 
Halka October 2019 ilaa hada ay gubanayaan kaymaha waqooyi iyo beri wadanka Australia taas oo uu dhawac  u gaystay ilaa 22 qof halka 35 qofna ku dhinteen , 2683 guryano iyo 8000 xarumo qanacsi ay  ku dumeen

Dabkan ka kacaya kaymaha iyo isbedelka cimiladu kaliya ma saameynayo   biniaadamka  balse sida oo kale waxa ku nafwaayaya balayin  xayawaan iyo noole waxtar leh

Suasha is weydiinta lihi waxay tahay sidee ayaynu ubadbadin karnaa deegankeena iyo kaymaha ugana hortagi karna dhibatoyinka ay horsedayan isbedelka cimiladu?


This blog was 23 February 2020🌱🌳
      #climateemergencies🌱🌍

                HABOON AHMED 💁


Comments

Popular posts from this blog

The invasion locusts threatens the livelihoods of farmers in Somali-land

Somaliland Climate Action Initiative

How to mitigate and adopt climate change to achieve SDG13